Mid ka mid ah garoomada diyaaradeed ee ugu weyn Adduunka oo maanta laga furayo Istanbul

0
609

Mid ka mid ah garoomada diyaaradeed ee ugu weyn Adduunka oo maanta laga furayo Istanbul

Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in si rasmi ah loo furo Garoonka cusub ee Istanbul oo noqon doona mid ka mid ah garoomada diyaaradeed ee ugu weyn Caalamka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa furi doona garoonkan oo lagu soo beegay furitaankiisa maalinta madax banaanida Turkiga ee loo yaqaano Republic Day.

Furitaanka Garoonka diyaaradaha ugu weyn caalamka ee Istanbul yeelaneyso ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax badan oo ka socda Caalamka oo lagu martiqaaday.

Garoonkan ayaa dhismo ku socday saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaana lagu qiyaasay in maalintii ay ka soo degi karaan kana dhoofi karaan illaa 3-kun oo diyaarad, sidoo kale waxaa uu leeyahay illaa 6 Run way oo diyaaradaha ka soo degtaan ama ka kacaan.

Garoonkan ayaa waxaa illaa 165 buundooyin oo diyaaradaha fariistaan, sidoo kale afar dhismayaal Terminal oo leh Tareeno, Waxaa uu kaloo garoonkan qaadaa illaa 150 milyan oo rakaab ah.

1-da bisha November ee soo socota ayaa si rasmi ah uu garoonkan u bilaabi doonaa duulimaadyo gudaha Turkey iyo magaalada Bacu ee dalka Azerbaijan, waxaa duulimaadyada bilaabaya oo kaliya diyaaradaha Turkish Airlines.

Garoonka Ataturk Air Port ee magaalada Istanbul ayaa si tartiib tartiib looga soo guuri doonaa illaa dhamaadka sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here