DEG DEG : Ciidamo Itoobiyaan oo lagu qarxiyay duleedka Beledweyne

0
726

DEG DEG : Ciidamo Itoobiyaan oo lagu qarxiyay duleedka Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay deegaanka Ceel Gaal oo qiyaastii 10KM u jirta Beledweyn.

Sida wararku sheegayaan qaraxa miino ayaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Itoobiya ee qaraxa lala beegsaday ay ku sii jeedaa dhanka xuduudka Feerfeer, kuwaasoo ka baxay magaalada Beledweyn.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare gaaray Ciidanka Itoobiya ee lala beegsaday qaraxa miino.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhigyo ku leh Buurta Janta-Kundishe ee agagaarka magaalada Beledweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here