Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar oo soo gaaray Muqdisho

0
705

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isagoo ka mid wah wafuuda ka qeyb galeysa Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar.

Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa goor dhow ka furmi doona Hoolka weyn ee lagu qabtay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ku taal Afisyooni.

Inta badan xubnaha Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo qeybtooda u horeeysay shalay soo gaartay.

Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa markii u horeysay ka furmaya magaalada Muqdisho, tan iyo markii ururkan la aas aasay sanadkii 2007-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here