Ku xigeenkii Madaxa Daacishta Soomaaliya oo lagu diley Muqdisho

0
1016

Ku xigeenkii Madaxa Daacishta Soomaaliya oo lagu diley Muqdisho

Ku xigeenkii kooxda Dowlada Islaamiga “Daacish”ee dalka Soomaaliya Mahad Macalin ayaa toddobaad kahor lagu diley magaalada Muqdisho.

Laanta Afka Soomaaliga ee idaacada BBCda ayaa qortay in ay ka heshay dad ehel la ah oo u xaqiijiyay in lagu diley Muqdisho Mahad Macalin toddobaad kahor.

“Waxaa dilay rag hubaysan oo meydkiisa soo dhigay xeebta Liido, ka dibna telefoon nagu soo wacay oo nagu wargeliyey in aan meydka doonano” ayey yiraahdeen dadkaas ka mid ah ehelada Mahad Macallin.

Waxay intaa ku dareen in meydkiisa oo aan la garan laga qaaday xeebta Liido, ka dibna la geeyey isbitaal magaalada ku yaalla muddo ka dibna la aasay.

Isla arrintaas waxaa xaqiijiyey ilo ka tirsan sirdoonka maamul goboleedka Puntland oo sheegay in taariikhda dilka Mahad ay tahay mid waafaqsan xogta ay BBC siiyeen eheladiisa.

“Waxaa dilkiisa ka dambeeyey nin ka mid ah saraakiisha sare ee Daacish oo ciidan ka daba diray markii uu ogaaday in Mahad Macallin uu Muqdisho aaday. Ujeedada ayaa ahayd in Mahad uu ku dilo Muqdisho, ka dibna u kaalintiisa galo” ayey yiraahdeen ilahaas ka tirsan sirdoonka Puntland.

Mahad Macallin iyo ninka lagu eedeynayo dilkiisa ayaa labadaba ka tirsan jufada hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin. Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sh. C/qaadir Muumin, ayaa la sheegayaa inuu xanuunsanayo

Sababta booska looga dishay Mahad Macallin ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto in awoodda ururka uu gacanta ku dhigo qofka noqonaya ku xigeenka madaxa ururka, maadaama hogaamiyahooda, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu xanuunsanayo, oo Mahad uu ahaa ninka awoodda iyo go’aannada lahaa.

Dawladda maraykanka ayaa horraantii sannadkan ku dartay Mahad Macallin liiska shakhsiyaadka ay xayiraadda ku soo rogtay.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ururkaas, oo tiro ahaan lagu qiyaaso ilaa dhowr boqol oo dagaallameyaal oo intooda badan ku sugan deegaanno ka tirsan bariga Puntland, waxaa ugaarsi ku hayey kooxda Al Shabaab.

Arrinta iminka aad isha loogu hayo ayaa ah saamaynta dilka mahad macallin ay ku yeelan karto ururkaas oo hogaankiisa uu iminka kala daadsan yahay.

Xigasho; BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here