Erdogan oo sheegay in dilkii Khashoggi uu ahaa mid hore loo qorsheeyay

0
567

Erdogan oo sheegay in dilkii Khashoggi uu ahaa mid hore loo qorsheeyay

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo qudbad u jeedinayay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in dilkii saxafigii Jamal Khashoggi uu ahaa mid hore loo qorsheeyay.

Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu hayo cadeymo xooggan oo sheegaya in dilkii Jamal Khashuggi uu ahaa mid u dhacay si ula kac ah oo la sii qorsheeyay.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ka dalbaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya inay u soo gacan geliso dadkii ka dambeeyay dilka Khashoggi si maxkamad loogu saaro dalka Turkiga maadaama falka dilka ah uu ka dhacay magaalada Istanbul.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday Sacudi Carabiya inay jawaabo ka bixiso halka la geeyay meydka Khashoggi iyo weliba cidii bixisay amarka lagu diley.

Hadalkan uu jeediyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa ku soo beegmay xilli maanta uu ka bilaabanayay shir caalami ah balse waxaa shirka hareeyay arrinta Khashoggi waxaana diiday ka qeybgalkiisa dowlado iyo hogaamiyaal ganacsato.

Hase yeeshee Madaxweyne Erdogan ayaan soo hadal qaadin warar sheegayay in ay dowlada Turkiga ay hayso cadeymo isugu jira maqal iyo muuqaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here