Urudun oo damacsan in ay dhul Israel ka kiraysatay soo ceshato

0
759

Urudun oo damacsan in ay dhul Israel ka kiraysatay soo ceshato

Dalka Urdun ayaa ku wargeliyey Israel in uu doonayo in uu dib ula noqdo dhul uu hore uga kireeyey Israel markii ay kala saxeexdeen heshiiska nabadeed sanadkii 1994-kii labadaas goobood oo la kala yidhaa Baaquura iyo Qamr.

Boqorka Urdun oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee dawladdu ayaa yidhi “waxaanu Israel ku wargelinay in ay dhamaatay mudada heshiiskii Baaquura iyo Qamr ee ku lifaqnaa heshiiskii nabadeed ee labada dal kala saxeexdeen”.

Heshiiska nabadeed ee ay labada dal kala saxeexdeen sannadkii 1994-kii ayaa waxa uu dhigayey in Israel dhulkaa sii haysato mudo 25 sanadood ah isla markaana uu sii socon doono hadii aanay xukuumadda Urdun ku wargelin Israel in ay doonayso in ay dhulkeedaa la wareegto marka mudada heshiisku dhamaato.

 

Boqor Cabdallaha Labaad ayaa waxa soo food saaray culays gudaha dalka kaga imanaya oo lagu dalbanayo in la soo afjaro heshiiskaa dhulka Urdun lagaga kireeyey Israel, waana sababtaas ta uu dalkiisu ku doonayo in uu si buuxda ula wareego gacan ku haynta labadaa meelood ee dhul beereedka ah.

Boqor Xuseenkii hore ee Urdun iyo Ra'isal wasaarihii hore Israel Yitzak Rabin oo heshiiskii nabadda ee 1994 saxeexayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionBoqor Xuseenkii hore ee Urdun iyo Ra’isal wasaarihii hore Israel Yitzak Rabin oo heshiiskii nabadda ee 1994 saxeexay

Boqor Cabdallah ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yidhi “muddo dheer ayay Baaquura iyo Qamr halka hore kaga jireen yoolka aanu hiigsanayno” waxaanu intaa ku daray in go’aankiisaasi ku salaysanyahay “dedaalka aanu gu jirno in aanu qaadno tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo danta dalka Urudun iyo shacabkiisa”.

Israel waxa ay ka kiraysaysatay Urdun dhul beereed bedkiisu dhan yahay qiyaastii 2000 Acre (8.5 km oo laba jibbaaran) oo ku yaal dhanka koofureed ee ay soohdinta kala leedahay Urdun iyo sidoo kale dhul yar oo lagu magacaabo Jasiiradda nabadda oo u dhaw harada Dabariya.

Urdun oo maxaabiis daldashay

Weerar lagu qaaday safaarada Isra’iil ee dalka Urdun

UK oo tababareyaal milatari u diraysa Urdun

Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netenyahu, ayaa isaguna sheegay in dalkiisu wada hadal kala yeelan doono Urdun sidii loo kordhin lahaa mudada heshiiskaas uu dalkiisu kaga kiraystay Urdun dhulkaas oo uu doonayo in lagu daro mudo shan iyo labaatan sanadood oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here