Britain Faransiiska iyo Jarmalka oo Sacuudiga ku cadaadinayo sharraxaad degdeg ah

0
615

Britain Faransiiska iyo Jarmalka oo Sacuudiga ku cadaadinayo sharraxaad degdeg ah

Dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa Sacuudi Carabiya ugu baaqay inuu sharraxaad degdeg ah uu ka bixiyo dhimashada Jamal Khashoggi.

War murtiyeed ay si wada jir ah u soo wada saareen seeddexdaasi dal ayaa waxay ku sheegeen arrinta ah inuu Khashoggi uu ku dhintay “dagaal ka dhacay” qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul ay u baahan tahay in laga keeno “caddeeymo macquul ah oo la rumeysan karo”.

Madaxweyne Trump wuxuu mar sii horreysay sheegay “inuu ku qanacsaneyn” sida arrinta loo dhigay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu wacad ku maray inuu mudda gaaban uu ku soo bandhigayo caddeymaha dhabta ee dilka wariyahaasi la xiriira.

Jamal KhashoggiLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY
Image captionJamal Khashoggi

Madaxweyne Erdogan wuxuu intaa ku daray inuu faafaahinta ku saabsan dilka Khashoggi uu Talaadada baarlamaanka la hor iman doono.

Dibadbax lagu qabtay Istanbul mar uu ka hadlayna wuxuu sheegay “waxaan raadineynaa ee iisu kaanna keenay waa caddaalad taa ayaana keeneysa inaan runta la qariyey oo dhan aan dibadda soo dhigno.”

Mr Khashoggi wuxuu Qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul uu galay 2-da bisha October si uu uga soo dhammeysto warqadda furriinka. Waxayna Sacuudigu inta ay dhimashadiisu qiranin uu marar badan sheegtay inuu Khashoggi isaga oo nabad qaba uu qunsuliyaddooda uu ka baxay, iyaga oo marki dambana sheegay inuu qunsuliyaddooda uu ku dhex dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here