Ciidamo Gadoodsan Oo Xirtay Mid Ka Mid Ah Wadooyinka Garoowe

0
568

Ciidamo Gadoodsan Oo Xirtay Mid Ka Mid Ah Wadooyinka Garoowe

Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta Goolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay saakay xirteen Wadda gasha Madaxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Garoowe ayaa waxa ay sheegeen in ay celinayaan Gaadiidka aadaya dhanka Madaxtooyada oo ay ku yaallaan Xarumo badan oo wasaaradaha Puntland.

Ciidamada ayaa qaarkood waxa ay sheegeen in aysan mudo 7 bilood ah qaadan wax mushaar ah,isla markaana ay u baahna yihiin mushaarkooda.

Tallaabadaan Maanta ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Puntland eek u sugan Magalada Garoowe ayaa ku soo aadaya xilli Maanta la filayo in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay gaaraan Magalada Garoowe oo dhawaan shir uga furmi doono.

 

 

Xigasho : Dalsanfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here