60 qof oo ku dhimatay Tareen dad ku jiiray Hindiya

0
770

60 qof oo ku dhimatay Tareen dad ku jiiray Hindiya

In ka badan 60 qof ayaa ku dhimatay 100 kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii uu Tareen jiiray dad ku sugnaa meel u dhaw Amritsar oo ku taalla waqooyiga gobolka Punjab ee dalka Hindiya, sida ay BBC u sheegeen booliiska.

Sida uu BBC u sheegay mid ka mid ah goobjogayaasha dadkani ayaa tagnaa wado Tareen halkaasi oo ay ka daawnayeen dabaaldaga xuska dadka Hinduuga ee Dusshera loo yaqaano.

Dadkani ayaanan maqlin tareenka markii uu soo wajahay iyaga oo ku mashquulsanaa daawashada dabaaldagaasi.

Saraakiisha dalkaasi Hindiya ayaa waxay sheegeen in mudnaanta ay imika siinayaan sidii dadkii ku dhaawacmay shilkaasi loogu qaado lahaa isbataalada.

Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya Tareenka oo si xawaaro ah ku socda islamarkana jiiraya dadka goobtaasi ku sugnaa.

Wararka ayaa sheegaya in qabanqaabiyayaasha dabaaldagaasi wax yar ka hor shilka ay dadka ka codsadeen in waddada Tareen ay dib uga baxaan.

Qaar ka mid ah goob joogayaasha ayaa waxay sheegeen in dadka aysan maqlin hoonka Tareenka.

Tareenka ayaa ka soo baxay magaalada Jalandhar waxa uuna ku sii jeeday Amritsar.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay korodho tirada dhimashada shilkani Tareen.

Rai’sul wasaare Narendra Modi ayaa ku tilmaamay dhacdadan “mid naxdin leh”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here