Meydka Jamal Khashoggi oo laga raadinayo meel keyn ah

0
595

Meydka Jamal Khashoggi oo laga raadinayo meel keyn ah

Saraakiil Turki ah oo aan la magacaabin ayaa waxa ay sheegeen in ay meydkiisa ka baarayaan keyn ku taal halka loo yaqaan Belgrad.

Dheecaano laga soo qaaday qunsuliyada Sacudi Carabiya iyo guriga uu degenaa qunsulka ee magaalada Istanbul ayaa la baarayaa inay is leeyahay dheecaanka DNAda ee Khashoggi.

Wararkii ugu dambeeyay ee baaritaanka ayaa sheegaya in keynta Belgrad iyo deegaan ka mid ah magaalada Yalova laga sameeyay baaritaano kadib markii la tuhmay in ay halkaas tageen gaadiid laga leeyahay qunsuliyada Sacudi Carbiya isla maalintii la waayay Jamal Khashoggi.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka Mike Pompeo ayaa si xoog leh u beeniyay in uu dhagaystey codad la sheegay in ay yihiin cadeymo ah dilka Khashoggi.

“Ma jirto cajalad aan dhagaystay ama qoraal aan arkay,”ayuu yiri Pompeo.

Mr Pompeo ayaa sidoo kale waxa uu si adag u eedeeyay ABC News oo daabacday in Pompeo uu dhagaystey codad laga duubay raggii geysanayay dilka weriye Khashoggi.

Dowlada Turkiga ayaa hore u sheegtay inay hayso codad iyo muuqaalo cadeyn u ah dilka Mr Khashoggi balse illaa iyo hadda lama soo bandhigin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here