Madaxweynaha Faransiiska oo joojiyay dhammaan safarada diblomaasiyadeed ee Sacuudiga

0
597

Madaxweynaha Faransiiska oo joojiyay dhammaan safarada diblomaasiyadeed ee Sacuudiga

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa joojiyay dhammaan booqashooyinka diblomaasiyadeed ee Sacuudiga, iyadoo tallaabadan ay ka dambeysay maqnaanshaha Wariyaha Jamaal Kashoggi oo la sheegay in lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Faransiiska ayaa cadaadis ku saaraya Sacuudiga inay cadeyso halka ay geysay nolol iyo geeri Wariye Jamaal Kashoggi, iyadoo tallaabadaas looga jawaabayo ayaa loo qaaday in aanay diblomaasiyiinta Faransiiska u safri karin Sacuudiga.

Dalalka reer Galbeedka ayaa cadaadis xooggan saaray Sacuudiga, tan iyo markii 2-dii bishan la waayay Jamal Kashoggi, xilligaasoo uu galay Qunsuliyadda Sacuudiga.

Jamaal Kashoggi ayaa meydkiisa laga baadigoobaya keymaha, kaddib markii qaar ka mid ah warbaahinta Caalamiga ay shaaciyeen in markii la dilay, lana jarjaray lagu tuuray keymaha ama goobaha biyo mareenada.

Jarmalka, UK iyo Holland ayaa iyana joojiyay socdaalada diblomaasiyadeed ee Sacuudiga, taasoo looga jawaabayay arrinta Wariyaha la la’yahay.

Shir looga hadlayo maalgashiga oo todobaadka soo socda ka furmi doona magaalada Riyadh ayaa qarka u saaran inuu baaqdo, kaddib markii Wasiirada Dhaqaalaha Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo Mareykanka ay sheegeen in aysan ka qeyb geli doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here