Sacuudiga Oo Mareykanka Ku Wareejiyay 100 Million Oo Dollar

0
700

Sacuudiga Oo Mareykanka Ku Wareejiyay 100 Million Oo Dollar

Waregeyska New York Times ayaa maanta qoray in Lacagtaasi shalay ku soo dhacday Khasnada Dowladda Maraykanka.
Lacagtaas ayaa la bixiyey xilli uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mike Pompeo booqanayey Sacuudiga oo uu kula kulmay Boqor Salmaan iyo Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan (MBS).
Faahfaahin ka soo baxday Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Lacagta ay Maraykanka inay tahay sidii loogu xoojin lahaa dadaalka Maraykanka ka wadaan dhulka Syria ee laga saaray Kooxda Daacish.
Si kastaba ha ahaate, Yabooha Lacageed ee boqolka million Dollar ayaa ku soo beegantay iyadoo aan weli jawaab loo helin dilka AUN Saxafiga Jamaal Khashoggi, kaasi oo bishan 2-dii lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaallada Istanbul ee dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here