Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab Gobolka Jubadda Hoose

0
1026

Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab Gobolka Jubadda Hoose

Taliska Dhexe Ciidamada Mareykanka ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn ay fuliyeen 14-kii bishan oo ku beegneyd Axadii ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanka Araare ee Jubadda Hoose, waxaana duqeynta timid, xilli ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka iyo Jubbaland ay howlgalo ka wadeen agagaarka deegaanka.

War saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay afar ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab, isla markaana ay qiimeynayaan haddii dad rayid ah waxyeelo ka soo gaartay

Duqeynta ayaa timid, kaddib markii ciidanka dowladda ay la kulmeen weerar iyo iska caabin uga timid Al-Shabaab, xilli ay howlgalo wadeen.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana sanadkan kaliya ay fuliyeen ku dhowaad 30 weeraro cirka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here