Soomaaliya Oo Arrinta Wariye Jamal Khashoggi Kula Safatay Dawladda Sacuudiga, War Saxaafadeed

0
608

Soomaaliya Oo Arrinta Wariye Jamal Khashoggi Kula Safatay Dawladda Sacuudiga, War Saxaafadeed

Dowladda Soomaaliya ayaa garab istaag buuxa u muujisay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, xilli uu isa soo tarayo dhaleeceyn xoog leh oo dowladda Sucuudiga loogu jeedinayo dilkii Saxafiga Jamaal Kashoggi.

War saxaafadeed afka Carabiga ku qornaa oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo horjeedo cid kasta oo dhib u geysaneysa Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.”

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu booqasho ku tagay magaalada Riyadh, waxaana uu kulamo la qaatay Boqorka Sucuudiga iyo Dhaxalsugaha Maxamed Bin Salmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here