Meydadka labo gabdhood Soomaali ah oo laga helay duleedka Minneapolis

0
690

Meydadka labo gabdhood Soomaali ah oo laga helay duleedka Minneapolis

Labo gabdhood oo Soomaali ah oo la la’aa illaa habeenkii jimcaha ayaa laga helay meydkooda haro ku taalla duleedka magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka.

Gabdhahan oo isku qoys ahaa ayaa lagu kala magacaabayay Zeynab iyo Xafsa, waxaa Booliska meydadkooda ka heleen gaari oo ku dhacay harada ku taal magaalada Cheska.

Xamza Warfaa oo ka mid ah qoyska gabdhaha geeriyooday ayaa sheegay in gabdhahan ay ahaayeen kuwo ka qalin jebiyay Dugsiga sare, isla markaana ay ahaayeen gabdho shaqeysta.

Waxaa uu sheegay in la waayay habeenkii jimcaha markii ay shaqo aadeen, waxaana socda baaritaan ku aadan qaabkii ay ugu dhaceen gaadiidkooda harada laga helay meydadkooda.

Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa aad uga murugooday dhacdadan, waxaana ay ka dalbadeen Booliska in baaritaan dheeraad lagu sameeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here