DEG DEG : Dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda Daynuunaay

0
711

DEG DEG : Dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda Daynuunaay

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socda deegaanka Daynuunaay.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisimo ciidanka dowladda ku lahaayeen Daynuunaay, oo qiyaastii 30KM u jira Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka ay labo jiho ka weerareen deegaanka Daynuunaay, waxaana ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koofur Galbeed la sheegay ina iska caabiyeen.

Dagaalka ayaa weli socda, iyadoo la soo sheegayo in gurmad ciidan oo ka baxay magaalada Baydhabo ay ku sii jeedaan Daynuunaay.

Al-Shabaab ayaa sanadkan gudihiis weeraray saddex jeer weeraray deegaanka Daynuunaay, waxaana deegaankaas dhowr jeer isku bedeshay gacan ku heynteeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here