DAAWO: Raysal Wasaare Khyre Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Iyo Wasiirka Warfaahinta Dawlada Fadaraalka Oo Ka Warbixiyay Safarka Raysal Wasaaraha

0
617

DAAWO: Raysal Wasaare Khyre Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Iyo Wasiirka Warfaahinta Dawlada Fadaraalka Oo Ka Warbixiyay Safarka Raysal Wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho qaadatay labo cisho oo ay ku tageen dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Xasan Cali Kheyre ayaa labadii cisho oo uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya la kulmay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan.

Kulamada ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimo kale, waxaana kulamada Ra’iisul Wasaaraha la qaatay Madaxda Sucuudiga ku qotomeen sidii dib loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here