Duulimaadkii ugu wakhtiga dheeraa abid oo maanta la sameynayo

0
699

Duulimaadkii ugu wakhtiga dheeraa abid oo maanta la sameynayo

Ciidamada booliska ee ka howl gala garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Hindiya ayaa amar lagu siiyay iney yareeyaan dhoolla caddeynta.

Arrintan ayaa la xiriirta walaac laga qabo in farxadda badan ay horseedi karto habacsanaan dhinaca sugidda ammaanka ah iyo halis ku saabsan weerarro argagixiso.

Masuuliyiinta waaxda qaabilsan amniga garoomada diyaaradaha ee dalkaas ayaa sheegay iney doonayaan in shaqaalahooda ay si weyn u feejignaadaan intii ay farxad iyo saaxiibtinnimo ka muuqan lahayd.

Booliska ayaa laga doonayaa iney iska dhaafaan dhoolla caddeynta iyo qosolka xad dhaafka ah, ayna xaddidaan wakhtiyada ay waji furnaanta leeyihiin, sida ay shaacisay warbaahinta Indian Express.

Saraakiisha ayaa sheegay in furfurnaanta badan iyo sheekeysiga ay garoomada diyaaradaha galinayaan khatar uga imaata weerarrada argagixiso.

Rajesh Ranjan oo ah agaasimaha hay’adda amniga garoomada ayaa sheegay in xitaa weerarkii mareykanka laga geystay 11-kii bishii Siteembar ee sannadkii 2001-dii ay sabab u ahad waji furnaanta xad dhaafka ah ee loo muujiyay rakaabka diyaaradaha.

Ma aha markii ugu horreysay ee booliska ka howl gala dalka Hindiya la siiyo amarro ku saabsan iney baddalaan waxyaabo la xiriira hab-dhaqankooda:

Bishii Luulyo, taliska ciidamada keydka ee gobolka Karnataka ayaa booliska ku jira xeryahooda u sheegay iney miisaankooda yareeyaan haddii kalena shaqada laga fariisin doono.

Sannadkii 2004-tii booliska ku sugan gobolka Madhya Pradesh ayaa lacag lagu siiyay iney shaarubada sii deystaan, maadaama ay madaxdooda u arkayeen in shaarubada ay la socoto xushmad dheeraad ah.

Si kastaba ha ahaatee amarkan ugu dambeeyay ee la siiyay booliska ka shaqeeya garoomada diyaaradaha ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo caalamka.

Balse dal kale oo ku yaalla isla qaaradda Aasiya ayaa dhowr sano ka hor sameeyay arrin tan aad uga duwan.

Sannadkii 2014-kii ayey xukuumadda waddanka Nepal oo daris la ah Hindiya shaqaaleysiisay 600 oo tababare, kuwaasoo ay shaqadoodu ahayd iney ciidanka baraan furfurnaanta iyo saaxiibtinnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here