Boolis ka shaqeeya garoon diyaaradeed oo laga mamnuucay iney qoslaan

0
571

Boolis ka shaqeeya garoon diyaaradeed oo laga mamnuucay iney qoslaan

Loollan ka taagnaa sameynta duullimaadka diyaaradeed ee ugu dheer caalamka ayaa maanta oo Khamiis ah soo af jarmaya ka dib marka ay duusho diyaarad si toos ah oo aan hakad lahayn isgu xireysa Singapore ilaa New York.

Shirkadda diyaaradaha ee Singapore Airlines ayaa dib u go’aansatay iney billowdo adeeggaas, shan sano ka dib markii ay sheegtay iney ka noqotay ballan qaad ay u sameysay adeeggaas, maadaama uu aad qaali u yahay.

Duullimaadkan ayaa jari doona in ka badan 15,000 oo kilo mitir waxaana la filayaa inuu socdo 19 saacadood.

Qantas oo ah shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay dalka Australia ayaa horraantii sannadkan sameysay duullimaad 17 saacadood qaatay oo u kala gooshayay magaalooyinka Perth iyo London.

Hase ahaatee Qatar Airways ayaa isla sannadkan sameysay duullimaad socday 17.5 oo isku xiray magaalooyinka Dooxa iyo Auckland.

Rakaabku miyey u kala hor-marayeen tigidhkan?

Duullimaadkan oo ka baxaya garoonka Changi ayaa dhaqaaqi doona iyadoo sida la filayo uusan hal kursi ka bannaaneyn, xitaa isagoo lacagtiisu ay aad u sarreyso.

Masuuliyiinta shirkadda Singapore Airlines ayaa sheegay inuu u imaanayay dalab fara badan oo lagu raadinayo duullimaadka aan hakadka lahayn, kaasoo aad uga wanaagsan duullimaadyada kale ee hakadka leh, marka loo eego wakhtiga.

Shirkaddan ayaa BBC-da u sheegtay in la wada buuxiyay kuraasta khaaska ah ee diyaaradda ee loogu tala galay dadka dhaqaalaha badan heysta.

Hase ahaatee waxaa markaas jiray “kuraas ay tiradooda aad u yartahay” oo ka bannaanaa qeybta loogu tala galay rakaabka aan khaaska ahayn balse ka duwan kuwa caadiga ah, oo iyagana loogu tala galay qeyb adeeggeedu uu heer sarreeyo oo ku xigta qeybta ugu qaalisan.

Ma jirin kuraas ay shirkaddu ugu tala galay rakaabka iska caadiga ah, maadaama kharashka duullimaadka uu aad u badanyahay.

Dhammaan dadka diyaaradda raacaya ayaa heli doona adeegyada cuntada iyo cabitaanka, kuwaasoo ku xiran xilliga ay dalbadaan.

Dadku miyey doonayaan duullimaad soconaya 19 saacadood?

Diyaaradda ay shirkaddu u adeegsaneyso duullimaadkan oo ah mid cusub oo aan horay loo isticmaalin ayaa qaadi karta rakaab ay tiradoodu dhantahay 161 ruux.

Geoffrey Thomas oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha duullimaadka ayaa yiri “fikradda ku saabsan arrintaas waa iney dadka u sameeyeen adeeg heer sare ah oo ay helayaan inta ay diyaaradda ku jiraan”.

“Safarkani wuxuu isku xirayaa labo magaalo oo uu ganacsiga aad uga shaqeeyo, sidaas awgeed waxay ku khasbanyihiin iney diyaaradda ka buuxiyaan dad ganacsato ah oo dhaqaale heysta”, ayuu yiri.

Shirkadda laga leeyahay dalka Singapore ayaa sheegtay in ay dadaal u sameyn doonto sidii ay rakaabkeeda duullimaadka u dhammeysan lahaayeen iyagoo aan dareemin daal fara badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here