Wasiirka qorsheynta Soomaaliya oo Puntland ay u diidday inuu Shir ku qabto Garowe

0
586

Wasiirka qorsheynta Soomaaliya oo Puntland ay u diidday inuu Shir ku qabto Garowe

Maamulka Puntland ayaa galabta baajiyey shir uu dhalinyarada jaamacadaha ku yaal Puntland uu la qaadan lahaa wasiirka qorsheynta ee dowlada fadaraalka Soomaalia Jamaal Maxamed Xasan oo maanta xubin xildhibaanada aqalka hoose loogu doortay Garowe.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali oo ay BBC la xiriirtay ayaa noo xaqiijiyay in shirkaas la joojiyay, waxuuna sababta shirka loo joojiyey uu ku sheegay xiriirka Puntland iyo dowlada dhaxe oo go’an.

Dhinaca kale BBC ayaa waxay isku dayday iney la xiiriirto wasiir jamaal balse uma suurta galin

Waxaa kale oo kulanka ka qayb gali lahaa Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, hadana ah lataliyaha Ra’isalwasaare Kheyre.

Shirka wasiir Jamaal Maxamed xasan uu la yeelan lahaa ardayda jaamacadaha Puntland waxaa lagu qaban lahaa Jaamacada PSU.

Wasiirka Qorshaynta ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ku guulaystay kursiga baarlamaanka ee beeshiisa, kaasoo uu baneeyey xildhibaankii hayey.

Doorasho ka dhacday magaalada Garowe ayaa wuxuu Jamaal Maxamed Xasan helay 49 cod, laba codna waa xumaatay, halka murashaxii la tartamayey uusan waxba helin.

Kursiga waxaa hore u hayey DKursiga waxaa hore u hayey Dhahar Cali Faarax Dhahar oo 26ka bishii hore loo magacaabay inuu qunsul ka noqdo dalka Jabuuti.hahar Cali Faarax Dhahar oo 26ka bishii hore loo magacaabay inuu qunsul ka noqdo dalka Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here