Turkiga oo sheegay in Saxafiga Jamal Khashoggi lagu dhex diley qunsuliyada Sacudi Carabiya

0
656

Turkiga oo sheegay in Saxafiga Jamal Khashoggi lagu dhex diley qunsuliyada Sacudi Carabiya

Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in saxafiga Sacudiga Jamal Khashoggi oo la waayay kadib markii uu booqday qunsuliyada Sacudiga uu ku leeyahay Istanbul la jirdilay,jirkiisa la jarjaray kadibna la diley.

Jamal Khashoggi oo ah 59  sano jir ayaa galay qunsuliyada Boqortoyada Sacudi Carabiya ay ku leedahay caasimada Turkiga si uu u helo dukuminti u fasaxaya guurka gabar u doonanayd kadibna dib uma soo laaban.

Booliska Turkiga ayaa  aaminsan in Khashoggi lagu dhex diley gudaha dhismaha qunsuliyada taasoo ay xukuumada Riyad  beenisay balse sheegtay in la waayay saxafiga kadib markii uu ka tegey qunsuliyada gelinkii dambe ee Talaadadii.

Booliska Turkiga ayaa sheegay in illaa 15 muwaadiniin Sacudiyan ah ay yimaadeen Istanbul isla maalintii Talaadada maalintii uu booqday weriye Khashoggi qunsuliyada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladiisu ay furtay baaritaano rasmi ah oo ay doonayso inuu ku ogaadaan halka uu ku dambeeyay Khashoggi.

Warbaahinta ay gacanta ku hayo Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa beenisay wararka sheegaya in dilka Khashoggi.

Saxafiga la waayay Khashoggi ayaa bog uu ku lahaa wargeyska Washington Post waxa uu ku qori jirey qoraalo uu ugaga soo horjeedo siyaasadaha qaar ee Amiirka Sacudi Carabiya  Mohamed bin Salman gaar ahaan farogelinta Sacudi Carabiya ee dagaalka Yemen.

Khoshoggi oo hore u ahaa la taliye dowlada Sacudi Carabiya ayaa ku noolaa dalka Maraykanka balse waxa uu sanadkii la soo dhaafay u soo wareegay dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here