Ninkii Dhintay 9-ka Jeer

0
869

Ninkii Dhintay 9-ka Jeer

Nin ku dhashay xeebta “Sunshine” ee Australia, ayaa waxa uu la nool yahay cudur xaalad adag uu ku galo oo la-yaab badan hal-mar wax ka badan ayaa wadnihiisu uu is-taagay laga soo bilaabo Labaatan jirkiisii.

Jamie Poole, oo ku nool London, ayaa waxaa suuraggal ah inuu yahay qof nasiib badan, waa uu nool yahay, iyadoo ay jirto inuu la dhibaatoonayo cudur halis ah oo dhanka wadnaha uu ka qabo, kaas oo loo yaqaanno “Hypertrophic Cardiomyopathy“, waa cudur uu wadnuhu weynaanayo, dhakhaatiirtu waxey leeyihiin wadnihiisu waxa uu sii shaqeyn karaa 5 sano oo kale.

Poole oo 29-jir ah waxa uu qirtay  in hooyadii ay mar kasta ku tiraahdo “Isbuucan miyaad dhimatay? “, “isagoo qoyslayan uu ugu jawaabo isbuucan maya.”, wiilka dhalinyarada ah ayaa isku dayaya inuu noloshiisa ku faraxsanaado inta suuraggal ah, iyadoo ay jirto in cudur khatar ah uu hayo.

Dhakhaatiirta Australia ayaa kula taliya inaanuu sports-ka ciyaarin, adduunka ayuu safarro kala duwan ku kala bixiyaa isagoo ciyaaraha barafka ku ciyaara buuraha Alps.

Poole, cudurkan waa uu ku dhashay, cudurkani wadnaha ayuu barariyaa, waxaana la aaminsan yahay in 5-kun oo qofba uu hal-ruux ku dhaco, wadnuha ayaa waxa ku adkaanaya inuu si sax ah u tuuro dhiigga oo uu gaarsiiyo xubnaha kala duwan ee jirka, arrintaas oo mararka qaar keenaysa xaalado adag oo loo geeriyoon karo.

Poole, waxaa jirkiisa lagu rakibay qalab electronig ah oo ICD gudaha jirkiisa, oo wadnaha marka uu istaago si automatic ah uga shaqeysiineysa.

Poole, waa khabiir hal-abuure ah oo ka howlgala teknoloojiyada, waxa uu yiri: “Markii ugu horreysay ee aan isku arko dhibaatada wadnaha, waxey ahayd 20-jirkaygii., in wadnahayga dib looga shaqeysiiyo waxey qaadatay 45-daqiiqo, markii aan isbuuc kooma ku jiray, markaa kadib ayaa la iisheegay waxwalbaa sida ay u dhaceen.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Markii Labaad, waxaan la joogay ilma adeeraday, waxaan dareemaay wareer, wadnaha ayaana la iga qabtay, waxaan soo baraarugay anigoo fikiraya oo is leh, ma run bay ahayd mise ilma adeeradaa ayaad la joogtay.”, isagoo markaa tilmaamayay xaaladdii uu ku jiray iyo sida ay waxwalbaaba isku bedeleen.

Poole waxa uu aaminsan yahay in mar kasta uu waajihi karo geeri suuraggal ah, waxa uu ku tilmaamaa  “ilbiriqsiyadii 8 ee geerida”, waxa uu ogyahay waxa ku soo foolleh, laakiin waxba kama qaban karo.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa mustaqbalka rajeynaya in wadne lagu tallaalo, maxaa yeelay dhakhaatiirtu ma hubaan, mudada uu wadnihiisu sii shaqeyn karo.

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here