Horumar Caafimaad..Wejigii Koowaad ee Daaweynta AIDS-ka ee “Immunotherapy” oo Lagu Guuleysta

0
708

Horumar Caafimaad..Wejigii Koowaad ee Daaweynta AIDS-ka ee “Immunotherapy” oo Lagu Guuleysta

Koox Saynisyahanno Mareykan ah ayaa caddeeyay in daaweynta difaaca jirka lagu aamini karo in dadka loo isticmaalo, si looga daaweeyo virus-ka difaaca jirka daciifiya ee “Aids”.

Tijaabada marxaladda koowaad ee daaweyntan ayaa ah tallaabo horumar leh oo muhiim ah oo ay ku tallaabsadeen koox ka tirsan Khubarada Sayniska ee jaamacadda North Carolinaee ku taalla Chapel Hill, kuwaas oo helay deeq lacageed oo gaaraysa 20 milyan oo dolar si ay dawada Aids-ka u soo saaraan.

Waxaa la tilmaamayaa in Labadii sanno ee la soo dhaafay, daaweynta difaaca jirka ee loo laylinayo inuu cudurka weeraro ay noqotay daaweyn aasaasi ah oo lagula tacaalo cudurro uu kansarka iyo arag la’aantuna ay ka mid yihiin.

Khubaradan ka tirsan Jaamacadda North Carolina ayaa carrabka ku adkeeyay in daaweynta difaaca jirka ee dadka uu ku dhaco cururka HIV Aids aaney lahayn wax Side effect ah, khatar bukaanka dhimasho u horseedaysana aan laga cabsaneyn.

Dr. David Margolis oo daraasaddan wax ka diyaariyay, ayaa waxa uu yiri: “Waxaan aaminsan nahay inaan mar kale sameyn karno natiijadii bukaankii Berlin(Waa qofka kaliya illaa iyo hadda ka inta la ogyahay ka bogsaday cudurka HIV Aids), laakiin arrintaasi ay waqti u baahan tahay.”

Bukaankii ugu horreeyay adduunka ee cudurka HIV ka bogsdaa waa “Timothy Ray Brown” oo u dhashay dalka Mareykanka, cudurku waxa uu ku dhacay sanadkii 1995, xilli uu ahaa arday Berlin, gudaha dalka Jarmalka, wax ka barta, laakiin laga soo bilaabo 2007 calaamadihii cudurka waa laga waayay.

Si kastaba, danta laga leeyahay in la faafiyay in marxaladdii koowaad ee daaweyntan lagu guuleystay ayaa ah in la caddeeyo in habdhiska difaaca jirka ay suuraggal tahay in loo tababaro inuu wareero fayruuska difaaca jirka daciifiya ee HIV Aids, iyadoo dagaal gudaha ah oo ay unugyadu is weeraraan oo dhimasho u keeni kara, Side effect-na ku noqda qofka aan laga cabsaneyn.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here