Dowladda Soomaaliya oo Safaaradda Qatar u ogolaatay inay dhoofsato Duur Joog

0
945

Dowladda Soomaaliya oo Safaaradda Qatar u ogolaatay inay dhoofsato Duur Joog

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya ayaa u fasaxday Safaaradda Qatar ee fadhigeeda yahay Muqdisho inay dalka dhoofsato Duur Joogta nooceedu yahay Sagaaro gaaraya (14 Sagaaro)

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha Guud Maxamed Cumar Nuur ayaa lagu sheegay Duur Joogta ay dhoofsaneyso Safaaradda caafimaadkooda la baaray, iyadoo warqada fasaxa loo diray Hey’adaha ay quseyso.

Duur Joogta Sagaarada ayaa ka mid ah kuwo ugu caansan ee Soomaaliya loogu ugaarsi badan yahay, isla markaana la jecel yahay hilibkiisa.

Halkan hoose ka akhriso warqada fasaxa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here