Qodobada Looga Hadlayo Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka

0
653

Qodobada Looga Hadlayo Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalita oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 3-da bisha Octoober 2018, kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah sii wadista dooda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka kaas  oo Maalintii Isniinta aheyd ee la soo dhaafay ay siweyn uga doodeen Xildhibaanada.

Ajandaha Maanta ee ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka ayaa doodiisu waxa ay bilaabatay Maalintii Sabtida aheyd ee todobaadkii la soo dhaafay,iyada oo dooda ajandahaan ay tahay mid aad u dheeraatay.

Dadka dhinaca Siyaasada indha-indheeya ayaa aaminsan in ajandaha Baarlamaanka haatan horyaalla oo ay doodiisu aocoto uu yahay mid lagu mashquulinayo Xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here