Dadaalo Lagu Dhex-dhexaadinayo Madaxweyne Biixi Iyo Jaamac Shabeel Oo Bilaamay

0
828

Dadaalo Lagu Dhex-dhexaadinayo Madaxweyne Biixi Iyo Jaamac Shabeel Oo Bilaamay

Dadaalo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) ayaa waxa bilaabay xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE madax-dhaqameedka ka mid ah beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ahna wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa isku dayay in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka xisbiga balse waxa arrintaa ku gacan-saydhay Guddoomiye Jaamac Shabeelsidda ay warar xog-ogaal ahi u sheegeen warbaahinta Barigaafrikanews.com.

Jaamac Shabeel oo shalay warbaahinta la hadlaya ayaa waxa shir isku yeedhay xubnaha golaha dhex ee xisbiga KULMIYE, waxaanu ugu baaqay inay badbaadiyaan xisbiga oo sheegay in madaxtooyadu doonayso inay burburiso, waxaana la doonayaan in xal laga gaadho khilaafka inta ka horraysay maalinta Jaamac Shabeel uu asteeyay shirkan
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ayaa si weyn ugu kala qaybsamay khilaafka ka dhex bilaamay xisbigooda KULMIYE, waxaana dad badan ka cadhoodeen tallaabadii la sheegay in xisbiga lagaga caydhiyay guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel).

Dadaaladan ay ku hawlan yihiin madax-dhaqameedka iyo kaadiriinta KULMIYE oo aan wali lagu gaadhin wax xal ahaan ayaan la saadalin karin halka ay ku dhammaan doonaan balse dadka siyaasada faaqida ayaa waxa ay sheegayaan in arrinta Jaamac Shabeel ay saamayn weyn ku yeelan doonto xisbiga KULMIYE dhexdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here