Afar qof oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada oo lagu dilay Boosaaso

0
682

Afar qof oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada oo lagu dilay Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in la dilay afar qof oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada.

Dilka ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan, kuwaasoo toogtay afarta ruux, halka mid kalena uu dhaawacmay

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaafada Saantoos oo ku dhow dekada Boosaaso, halkaasoo ay ku nool yihiin dadka ka soo jeeda Itoobiya.

Maamulka magaalada Boosaaso ayaa shalay yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dadka Oromada ka soo jeeda oo muddooyinkii u dambeeyay la kulmayay dhibaatooyin iyo cabsi la xiriira in la beegsanayo.

Ma jirto cid sheegatay dilka loo geystay dadka Oromada ee ku sugan magaalada Boosaaso, waxaana ciidamada amniga ay wadaan howlgalo baaritaano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here