5 Sababood oo 50-jirka Ka Dhigeysa Da’da «Dahabiga» ah Ee Ragga

0
807

5 Sababood oo 50-jirka Ka Dhigeysa Da’da «Dahabiga» ah Ee Ragga

Dad Badani waxey ka cabsadaan in da’doodu ay kororto oo dad waaweyn ay noqdaan, dumarku waxey ka baqdaan Afartanka iney gaaraan, halka ragguna ay ka haybadeystaan da’aadda Kontomaad iney gaaraan, laakiin marka ay da’daa gaaraan waxay ogaadaan inaaney ku  saxneyn baqdinta inaa le’eg ay dareemayeen.

Grant Filer, qoraaga reer Ingiriis ee ku takhasusay habka nolosha, ayaa jariidada The Telegraph u sheegay in waxyaabaha ugu badan ee ragga farxad geliyaa da’da 50 jirta uu yahay  marka ay tijaabiyaan waxyaabo ku cusub oo aan horey noloshooda u soo marin.

Sanad kastaa xikmaddiisa ayuu wataa iyo waayo-aragnimadiisa, aadanaha, gaar ahaan ragg, ma quustaan marka ay 50 jir gaaraan, da’daasi faa’iidooyin badan ayay u leedahay, waxeyna xilliga dahabiga u tahay ragga, sababahan soo aaddan ayaana caddeyn u ah:

Dhoollacaddeyn aan kala go’ lahayn

Marka da’da Kontomeeyada ay raggu gaaraan, waxey dareemayaan iney guulo badan gaari karaan, wax guulaha uuga farxad badani ma jiraan.

Waxey noqdaan waayo arag

Marka ay raggu 50 jirka gaaraan waxey noqdaan waayo arag nolosha khibrad fiican u leh, marka aad dib u eegto heerka aad dooneysay inaad gaarto iyo waxyaabaha kuu hirgelay waxaad dareemaysaa sida ay noloshu u tahay mid gaaban.

Naftaada ayay dib u hagaajiyaan

Marka ay raggo 50 jir gaaraan, waa marka ay isbedel kasta diyaar u yihiin, waxey ka siibtaan dhaqan koodii hore, laakiin arrintan ragga qaar ayunbay taabanaysaa, waa kuwa jecel iney tijaabooyin fikrado cusub oo ku dhac leh.

Nasashadooda ayaa badan

Raggu marka ay gaaraan Kontomeeyada, nasashada ayaa badan, waxeyna ku raaxaystaan waxyaabihii aaney yaraantoodii fursad fiican u helin iney sameeyaan.

Carada waxey u bedelaan tamar Ay noloshooda ku horumariyaan

Raggu marka ay Konton jirka gaaraan, carada ay gudaha ka dareemayaan waxey u bedelaan tamar wax-soo-saar oo ay ku faafiyaan dadka ku hareeraysan, si kasta oo dhalinyaradaada ay u xanaaq badnaayeen marka ay weynaadaan waxey isku bedelaysaa tamar wanaagsan oo wax-soo-saar leh.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here