Majaajileyste Sabab u Noqday Iney Kala Irdhoobaan 4-kun oo Qof..17 lamaanane oo Is-qabayna Kala Furay!

0
861

Majaajileyste Sabab u Noqday Iney Kala Irdhoobaan 4-kun oo Qof..17 lamaanane oo Is-qabayna Kala Furay!

Bandhig uu sameeyay majaajileystaha caanka ah ee reer Scotland ee Daniel Sloss oo loogu talogalay inuu noqdo mid madadaalo badan oo dadka ka farxiya ayaa dhaliyaya dhibaato bulsho oo dad badani ay ku kala tagaan.

Fanaankan ayaa soo jeediyay muddo 20-daqiiqo ah kaftan ay 4 kun oo lamaane ay sababtiisa ku kala dhaqaaqeen.

Bandhiggiisa gaar ah ee wata magaca Jigsaw, ayaa majaajilaystahani  uu gaashaanka u daruuray in qofku u lamaane gaar u ah uu sameysto: “Aragtida bulshada haddii aanad qof xiriir la lahayn, waxaad tahay qof niyad-jabsan. haddii aadan qof la joogin ma dhammeystirnid, qof dhammeystiranna ma tihid.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Cawaaqibta aan ka baqeynno darteed, waxaan dareemaynaa inaan dhammeystirneyn illaa aan lamaane yeelanno mooyaane, arrintaas oo la macno ah in dad badani ay u gacan galaan qofkii ay doonayeen mid aan ahayn.. Qof ayaan nolosheenna ku khasbeynaa, maxaa yeelay; intii aan meel cidlo ah soo fariisan lahayn ayaa dooneynaa ina wax un gacanteenna aan ku haysanno.

Sida ay sheegtay jariidada Mirror taladan ayaa dhinac xasaasi ah taabatay, bulshada daafaha kala duwan ee dunida, waxeyna dad badan u soo direen majaajileystaha farriimo ay uga mahadcelinayaan inuu noloshooda isbedel ku sameeyay.

Qof ayaa soo qoray: “Soo dhawow Daniel, waxaan jiraa 23 sano, waxaan jeclaystay inaan ku iraahdo, in liiskaaga aad ku darto furriinkayga, guur dareenkaygii qaatay muddo 3 sano ah.

Muddo 10 maalmood ah gudaheed, ayaa waxa uu helay 4 kun oo farriimood oo dhanka Istagram-ka ah oo ay ka mid tahay 17 xaaladood oo furriin ah, laakiin Sloss, waxa uu aaminsan yahay in tiradu ay intaa ka sii badan tahay.

Stone Clinical – StoneWash@StonewashTest

Meet the stand up comic who’s ruining :https://www.mirror.co.uk/news/weird-news/how-one-man-broken-up-13284474 

How one man has broken up 4,000 couples and caused 17 divorces in just 10 days

And the number is still rising…

mirror.co.uk

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here