Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku xukuntay askari dilay darawal Mooto Bajaaj

0
759

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku xukuntay askari dilay darawal Mooto Bajaaj

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa soo gabagabeysay dhageysiga Kiis fal dil ah oo dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, kaasoo askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu u geystay darawal Mooto Bajaaj ah.

Dilka askariga uu u geystay darawalka mooto bajaajka ayaa qalalaase ka dhalisay magaalada Beledweyn, iyadoo dibad baxyo rabshado wata oo markii dambe qaab qabiil isku bedelay uu ka dhacay.

Askariga dilka geystay ayaa lagu magacaabaa Dable Mahad Xuseen Sheegow, iyadoo marxuumka dilka u geystay lagu magacaabi jiray Yaasiin Cali Saney.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqay xukunka ay ridday Maxkamadda ayaa sheegay in marqaati iyo caddeymo la horkeenay maxkamadda lagu xukumay gacan ku dhiigle Mahad Xuseen Sheegow dil toogasho ah.

Dilalka ay geystaan Ciidamada ayaa u badnaa darawalada Mooto bajaajka, iyadoo magaalada Muqdisho ay aheyd halka ugu badan ee darawalada dhalinyarada ah ee kaxeeya mooto bajaajka lagu dilay muddooyinkii u dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here