Komishanka Doorashooyinka Oo Qarka U Saaran In La kala Diro Iyo Ujeedada Kulan Mar Kale Ay Isku Haleeli Doonaan Madaxweynaha Iyo Axsaabta Mucaaridku

0
818

Komishanka Doorashooyinka Oo Qarka U Saaran In La kala Diro Iyo Ujeedada Kulan Mar Kale Ay Isku Haleeli Doonaan Madaxweynaha Iyo Axsaabta Mucaaridku

Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo Madaxweynaha ayaa mar kale la filayaa in ay isugu yimaddaan Kulan labaad oo daba socda kulankii ay hore toddobaadkii aan soo dhaafnay ugu yeesheen qasriga Madaxtooyada si ay hore ugu sii socdaan wax ka qabashada iyo in ay meel isugu yimaaddaan xalna uga gaadhaan caqabadaha hor taagan Doorashooyinka soo socda iyada oo ay jiraan wali caqabado culus iyo kala duwanaansho dhinaca afkaarta ah oo u dhaxeeya Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madaxtooyadu.

Ilo-wareedyo u dhuun-daloola Kulamadan ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyey in Kadib kulankii toddobaadkii hore la filayo in dhinacyadu mar kale berri oo Axad ah ay isku yimaadaan lana falanqeeyo sidii xal midaysan looga gaadhi lahaa khilaafka ka taagan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka iyo sidii loo midayn lahaa aaraa’da si hannaan wada jir ah xal loogu gaadho wakhti aan wali gabi ahaanba la guda galin arrimaha aadka loogu kala duwan yahay oo ay ka mid tahay kala dirista Xubnaha Koomishanka Doorashooyinku.

Waxa la filayaa in kulankan ay mar kale gondaha is galiyaan Madaxweynaha iyo xisbigiisa oo dhinac ah iyo hogaammada labada xisbi Mucaarid oo dhinaca kale ah, kuwaasi oo iyaga laftoodu aan waxba ku midaysnayn marka laga tago in ay xukuumadda cadaadis weyn ku saarayaan sidii ay dardar u galin lahayd qabsoomidda doorashada iyo in aanay wakhtigeeda dib uga dhicin inkasta oo duruufaha taagan iyo sida xaaladdu tahay aanay u muuqan deegaan ku habboon oo ay doorasho ku dhici karto wakhtigeedii loo cayimay oo ay kaliya bilo koobani la hadhsan yihiin. Ilo-wareedyadani waxa ay sheegayaan in Arrimaha aadka la isugu maan-dhaafsan yahay ay ka mid yihiin waxa laga yeelayo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo hore xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI u soo jeediyey in la kala diro haddii kale aanay gabi ahaanba ka qayb galayn doorashada halka ay sidoo kale meesha taallo aragti wakhti hore wax la iska waydiiyey balse aan go’aan midaysan wakhtigaasi laga gaadhin oo ah in laba xubnood lagu kordhiyo tirada xubnaha Komishanka doorashooyinka oo ah wakhtigan 7 xubnood. Madaxweynaha ayaa hore uga gaws-qabsaday codsiga xisbiga WADDANI ee kala diridda xubnaha Komishanka Doorashooyinka halka aanu xisbiga UCID mawqif cad oo weyn ka qaadan arrintaasi.

Hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI ayaa wali aaminsan in aan loo baahnayn in ay masuuliyadda sii wataan xubnaha Komishanka ee wakhtigan joogaa loona baahan yahay in la kala diro balse wali lama oga go’aanka ugu dambeeya iyo aragtida uu arrintan isna ka qaadan doono Madaxweynuhu iyada oo ay soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in uu isagu la dhacsan yahay in laba xubnood lagu kordhiyo tirada xubnaha imika oo aan la kala dirin balse taasi lafteedu ay keensanayso culays weyn iyo in la isla qaato sidii dib loogu noqon lahaa shuruucda hore uga taallay tirada xubnaha Komishanka oo ku salaysnayd 7 xubnood oo ku yimaadda hannaan awood qaybsi ah oo u dhaxeeya xisbiyada qaranka, Madaxweynaha iyo Golaha Guurtida.

Lama oga kan la qaadan doono labada aragtiyood ee odhanaya kala dirista iyo laba xubnood ku kordhinta, waxaana la filayaa in arrimahaasi ay soo jilciyaan guddi isku dhaf ah oo ka kooban xisbiyada iyo dawladda oo la filayo in kulankan lagu saaro kuwaasi oo ka soo talo bixin doona ugu yaraan sidii xuluul looga gaadhi lahaa is-maan dhaafka iyo caqabadaha taagan si loo gaadho yool midaysan oo lagu xaqiijin karo qabsoomidda doorashooyinka soo socda. Isku soo wada duuboo waxa aan la saadaalin Karin sida xaaladdani u dhici doonto iyo qaabka ay xal uga gaadhi karaan iyo sida ay isugu tanaasuli karaan dhinacyada uu arrinkani khuseeyaa waxaana laga dhur sugi doonaa bal waxa ay soo bisleeyaan guddida la filayo in kulankaasi lagu saaro oo la filayo in dhinacyada oo dhan ay ka koobnaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here