Gabar ardayad ah oo lagu dhex diley Jaamacad ku taal Muqdisho

0
975

Gabar ardayad ah oo lagu dhex diley Jaamacad ku taal Muqdisho

Kooxo hubeysan ay Gudaha Jaamacadda Soomaaliya (Uniso) ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dhex dileen gabar ka mid aheyd ardayda.

Wararka ayaa waxa ay sheegayeen in rag ku hubeysnaa bustoolado ay galeen gudaha Xarunta Jaamacadda Soomaaliya (Uniso)ay ku leedahay Baar Ubax,isla markaana ay fasalka dhexdiisa ku dileen mid ka mid ah ardayda jaamacada oo lagu sheegay magaceeda Aamina Xuseen Xasan.

Lama oga sababta dilka gabadhan oo ka mid ahayd ardayda wax ka baranaysay Kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka,iyadoo raggii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,kuwaas oo haatan wada howlgallo baaritaano ah.

Ardayadan ayaa ah tii labaad ee lagu dilo maanta oo jimce caasimada dalka ee Muqdisho, waan markii ugu horeysay ee fal noocan oo kale ah lagu arko magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here