DAAWO : Muuqaal Naxdin leh Nin Kasoo Jeeda Qoymiyada Jareer wayne Oo Muqdisho Lagu Dilay Kadibna La Gubey Sababo Isir Nacayb ah

0
863

DAAWO : Muuqaal Naxdin leh Nin Kasoo Jeeda Qoymiyada Jareer wayne Oo Muqdisho Lagu Dilay Kadibna La Gubey Sababo Isir Nacayb ah

Dhacdadaan oo aad looga naxay ayaa Maanta waxa ay ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid Gobolkaan Banaadir,waxana la sheegay in Nin la dilay kadibna la gubay.

Ehelada Ninkaas oo lagu Magacaabo Axmed Muqtaar Saalax ayaa waxa ay ka sheekeeyeen qaabka ninkaasi loo dilay kadibna loo gubey.

Ninka oo ka soo jeeda beesha Jareerweyne ayaa waxaa mudo saddex bilood ka hor uu gabar u doonay Wiil oo Adeer u yahay ,waxana siiyey Gabadha Abaheed balse sida la sheegay waxaa u diiday Gabadha Hooyadeed iyo Walaalaheed,kuwaas oo Maanta ku weeraray Garaashkii uu joogay.

Kooxo isugu jirta Haween iyo Rag oo ah Ehelka Gabadha ayaa ku weeraray Baangado iyo Warano,iyaga oo ugu tegay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid kadibna ay baangado la dhaceen,dhaawac culus oo soo gaarey kadib ay gubeen.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Warbixin uu ka diyaariyey Munasar Maxamed Cabdi.

 

 

Xigasho Dalsan Tv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here