Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo jawaab degdeg ka bixiyay mowqifka Hirshabeelle uga laabatay go’aankii Kismaayo

0
714

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo jawaab degdeg ka bixiyay mowqifka Hirshabeelle uga laabatay go’aankii Kismaayo

War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Islaashiga dowlad goboleedyada ayaa jawaab degdeg looga bixiyay mowqifkii maamul goboleedka Hirshabeelle uga laabatay go’aankii maamul goboleedyada ku gaareen Kismaayo ee xiriirka loogu jaray dowladda Federaalka.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo inta badan ka soo baxaan Xogheynta Golaha ayaa lagu sheegay in heshiiska Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka aanu khuseyn Golaha, isla markaana aanu waxba ka bedeli doonin go’aankii maamul goboleedyada ksoo saareen Shirkii Kismaayo.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Hirshabeelle u madax banaan tahay ka tashiga iyo go’aan ka gaarista masiirka dowladeed iyo mid ummadeed.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in is afgaran waaga ka dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka uu yahay kir guur oo ku saabsan qaddiyado waa weyn oo ku tacaluqa amniga Guud ee Qaranka, Federaaleynta, dib u eegista Dastuurka, kheyraadka iyo awood qeybsiga dalka iyo arrimo kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here