Shirkii Nabadda Beelaha Gobolka Sool Oo Ka Furmay Laascaanood

0
642

Shirkii Nabadda Beelaha Gobolka Sool Oo Ka Furmay Laascaanood

Shirka nabadaynta labada beelood ee wallaalaha ah ee dirirtu dhex martay ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Kaas oo ah shir dib u heshiisiin oo lagu soo af-jarayo colaaadaasi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dhawaaqay furitaanka shirkan nabadeynta ah, waxaana goob joog ka ahaa guddoomiyaha golaha wakiilladda mudane Baashe Maxamed Faarax, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee guurtidda iyo wakiiladda, madax dhaqameedka gobolka Sool, xidhayaasha labada ardaa iyo waxgarad kale. kuwaasi oo marag iyo markhaati ka noqon doona go’aamada shirkaasi ka soo baxa.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horreyn hadal koobaan ka jeediyay madashii furitaanka shirka ayaa sharraxay ujeedada shirkani loo qabtay, waxaanu yidhi “Dad deegaankan ka tirsan oo cid loo xilsaaray inay soo xaddido tirada culimadda ah ee gartaa naqeysa, anaguna aanu la hubino magacyadoodana aanu qaadanno, iyagana kala xidhiidhno, labadda beelood inta aanu ka rabnaa waa intaas.

Beel-weynta Dhulbahante iyo Fiqishini, iyaga waxaanu ka rabnaa, in ay goobtan markhaatina ka noqdaan, hadalkoodana ka jeediyaan. Xukuumadda Somaliland-na guddi ayay u soo xil saartay arrintan oo halkan iman doonta.”

Sidoo kale, guddoomiyaha golaha wakiilladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa odayashaa labada dhinac ugu baaqay in ay dadka deegaanadoodii dib ugu soo celiyaan, isla markaana ay ku sameeyaan hub ka dhigis, waxaanu yidhi “Labadiina qoloba khasab ayaa leydinku wada daajinayaa, ciidamada amaankuna waxa ay amar ku heystaan in qolo waliba guryaheeda ku noqoto.

Odayaashana waxaa looga fadhiyaa in ay dadka ku celiyaan magaalooyinkii. Waxaannu idin leenahay dagaalkaasi ha noqdo kii inoogu danbeeyaa, ninkii danbe ee wax dilana, waalidkii dhalay ayaa masuuliyadeeda qaadaya.

Waxba dagaal ma taro, qolona dhammaanmeyso, waxa la idinak rabaa in aad dadkiinna hub ka dhigis ku sameysaan, wixii idin maqli waayana masuuliyadeeda waxaa qaadi doona ciidamada qaranka Somaliland.

Reeraha kale ee goobtan inala joogana waxaanu u keenay in ay markhaati ka noqdaan hannaanka uu u socdo shirkan nabaddaynta ah iyo wixii dhaca hadhow.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here