Hogaamiyeyaasha Ruushka iyo Turkiga oo kulmaya si ay uga wada hadlaan xaaladda Suuriya

0
846

Hogaamiyeyaasha Ruushka iyo Turkiga oo kulmaya si ay uga wada hadlaan xaaladda Suuriya

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan ayaa maanta dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin kula kulmaya magaalada loo nasashada tago ee Sochi, oo ku taalla dalka Ruushka, sida ay sheegeen Saraakiil Turki ah.

Kulankaan ayaa imaanaya xilli ay beesha caalamka walaac xooggan iyo qeylo dhaan ka muujineyso dagaal ay suurta gal tahay inay dowladda Suuriya ku qaaddo gobolka Idlib, oo xuduud la wadaaga Turkiga, kaasoo ah fariisinka ugu dambeeya ee ay ku sugan yihiin xoogagga mucaaradka ku ah xukuumadda uu hogaamiyo madaxweynaha Suuriya, Bashaar al-Asad.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu oo Jimcihii ka hadlayay telefishinka ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu cid walba kala xaajoodo la dagaallanka kooxaha uu ugu yeeray argagixisada ee ku sugan gobolka Idlib, hase ahaatee waxa uu intaas ku daray in dilka shacabka isugu jira haweenka iyo carruurta ee ka dhalanaya weerar lagu qaado kooxahaas uusan ahayn fal bani’aadanimo.

Dowladda Turkiga ayaa ka cabsi qabta in weerar culus oo lagu qaado Idlib uu sababi karo inuu billowdo qul qul hor leh oo ah qaxooti u gudbaya dalkeeda, oo horayba ay ugu sugnaayeen qaxooti reer Suuriya ah oo ay tiradoodu gaareyso 3 malyan.

Erdogan iyo Putin ayaa isbuucii la soo dhaafay ku kulmay shir uu qaban qaabiyay dhigooda dalka Iiran Hassan Rouhani oo ka dhacay magaalada Tehran.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku guul darreystay dadaal uu ku raadinayay in xabad joojin laga hirgaliyo gobolka Idlib, iyadoo ciidamada xukuumadda Dimishiq ay ku jiraan diyaar garow ballaaran oo socday maalmo, si ay weerar culus ugu qaadaan gobolkaas.

Ruushka iyo Iiraan ayaa ah xulafada ugu waaweyn ee dowladda Asad, laakiin Turkiga ayaa taageera mucaaradka doonaya in xukunka laga tuuro hogaamiya Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here