Madaxweyne Muuse Biixi Oo Mushaar Kordhin U Sameeyay Golihiisa Wasiiradda iyo Agaasimeyaasha Guud

0
729

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Mushaar Kordhin U Sameeyay Golihiisa Wasiiradda iyo Agaasimeyaasha Guud

Golaha Wasiiradda iyo Agaasimeyaasha Ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaad 8 Bilood oo ay xilalka hayeen markii ugu horeysay loo kordhiyay Mushahaarkii ay qaadanayeen.

Mushahaar Kordhintan oo loogu daray aduun lacageed kor u dhaafaya Kun Dollar Golaha Wasiiradda, halka Agaasimeyaasha guud aanay cadayn cadadka loogu daray mushahaarka ay qaadanayaan, waxaana sidaasi u xaqiijiyay shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ilo wareedyo u dhuun daloola.

Ma Cadda inta uu marka hore ahaa Mushahaaraadka Golaha Wasiiradda Ee Uu Xukuumadda Taladda Hadda Haysa iyo agaasimeyaasha Guud, Hasayeeshee Xukuumadii Hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa golaheeda Wasiiradu ay u xaadiri jireen Qadar Lacageed oo dhan 18 Million oo shillinka Somaliland ah.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in mushahaar kordhintani ay ka danbaysay ka dib markii ay dhawr bilood ka hor Wasiiradda iyo Agaasimeyaasha Guud oo wada jiraa madaxweyneha ka codsadeen in loo kordhiyo Mushahaarka ay qaataan.

Cadadkan Lacagaha Uu Madaxweynuhu ugu Daray Wasiiradda iyo Agaasimeyaashiisa Guud ayaa sida uu Hadhwanaagnews u sheegay mid ka mid ah Garyaqaanadda Somaliland waxa ay ku jirtaa Odoroska Miisaaniyadda ee ay hore u ansixiyeen Goleyaasha Wasiiradda iyo Wakiiladda Somaliland.

Hore ayaa meel Fagaare ah oo uu khudbad uga jeedinayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay arrimo ku saabsan Mushahaarka Golihiisa Wasiirada, isaga oo wakhtigaasi oo ay xukuumadiisu jirtay bil iyo dheeraad cadeeyay in aanay wali u xaadirin mushahaarkoodii, taas oo ugub ku ahayd Dhagaha Shacabka Somaliland.

Mushahaar kordhintan uu haddaba u sameeyay Madaxweyne Biixi Golihiiisa Wasiiradda iyo Agaasimeyaasha Guud oo ku timid Cabasho ay hore ugu gudbiyeen ayaa waxa ay dadka qaarkood ku adkaysanayaan in ay tahay mid aan loo dul qaadan Karin, maadama aanay jirin wax muuqda oo ay ilaa iminka qabteen Golaha Xukuumadda Uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Source: Hadhwanaag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here