DAAWO : Mucjisoda Cunug Yar Oo Hal-sano Jir Sidii Xirfadlayaasha u Dabbaalaneysa

0
960

DAAWO : Mucjisoda Cunug Yar Oo Hal-sano Jir Sidii Xirfadlayaasha u Dabbaalaneysa

Muuqaal layaab badan ayaa mujiinaya ilbiqisiyo aan la rumeysan karin, canug yar oo sanad jir ah oo soo bandhigeysa xirfadaheeda dabbaasha, iyadoo si aad u heersarreysa u dabbaalaneysa.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail“,  Hooyada gabadhan yar dhashay oo la yiraahdo Grace Fanelli oo ka soo jeedda gobolka Florida ee gudaha dalka Mareykanka ayaa sheegtay iney caruurteeda dabbaasha baratay xilli hore si ay u hubiso iney kalsooni yaraantooda ku helaan oo ay la qabsadaan.

Gabadheeda yar ee Kassia waa hal-sano jir, barkadda ayay iskugu tuurtay si kalsooni leh iyadoon wax garab ah weydiisan waalidkeed.

Grace, waxey sheegtay iney gabadheeda weyn oo 3-sano jir ah ay dabbaasha xariif ku noqotay iyadoo 9 bilood jirta, waxeyna hooyooyinka kale ugu baaqday iney dadaal ku bixiyaan sidii ay caruurtooda ku bari lahaayeen dabbaasha marka ay gaaraan lix bilood jirka!.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here