DAAWO : Caalimad Caan Ah oo Iyadoo Si Toos Ah Barnaamij Looga Daawanayo Geeriyootay

0
622

DAAWO : Caalimad Caan Ah oo Iyadoo Si Toos Ah Barnaamij Looga Daawanayo Geeriyootay

Waxaa geeriyootay Professor Rita Jitendra iyadoo si toos ah hawada looga daawanayo barnaamij “Subax Wanaagsan” oo ay marti ku ahayd oo ka socotay telefishin J&K ee Gudaha dalka India.

Soojeediyaha barnaamijka oo la yiraahdo  Zahid Mukhtar, ayaa yiri; Rita Jitendra oo 86 jir ah si dabiici ah ayay u sheekaynaysay, si lama filaan ah ayay u neef gurantay una miyir daboolantay.

Waxa uu intaa sii raaciyay, inta aanan bilaabin barnaamijka ayay noosheegtay (Jitendra), iney jeclaan lahayd iney ku geeriyooto goobta shaqada, sidii; madaxweynihii hore Abdul Kalam oo 2015 geeriyooday isagoo muxaadaro ka jeedinaya mid ka mid ah jaamacadaha gudaha India ka dhisan.

Markii ay caalimaddani miyir daboolantay ayaa la jaray barnaamijkii ay sida Live-ka ah uga qeybgalaysay, shaqaalihii studio-gu waxey isku dayeen iney gargaar degdeg ah u fidiyaan, waxaana si degdeg ah loogula cararay isbitaalka, laakiin wey geeriyootay, wadnaha oo si degdeg ah oo lama filaan ah u istaagay darteed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here