Tallaalka casriga ah ee durayga oo badbaadin kara nolosha boqollaal duqey ah

0
568

Tallaalka casriga ah ee durayga oo badbaadin kara nolosha boqollaal duqey ah

Tallaalka durayga oo casri oo la siiyo dadka waaweyn ayaa xilligan qaboobaha badbaadin kara nolosha boqollaal qof, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka bulshada ee dalka England.

Durayga ayaa khatar badan u leh dadka waaweyn.

Waxtarka tallaalka durayga ayaa si aad ah hoos ugu dhaca marka ay dadku sii weynaadaan, wuxuuna wax u taray keliya hal qof oo ka mid ah tobankii qof ee ka weyn da`da 65 sano.

Tallaalka casriga ah ee la bixin doono sanadkan ayaa waxaa ku jira waxyaabo dheeraad ah oo loogu talo-galay inay duqeyda ka caawiso xoojinta difaaca jirka oo awood u yeesha iska caabbinta durayga.

Waxaa la rajeynayaa in tallaalkan uu cadaadiska ka yareeyo xarumaha caafimaadka.

 

Waaxda caafimaadka bulshada ee England ayaa ku qiyaaseysa in tallaalku uu horseedi doono:

  • Ballaamaha caafimaadka oo 30,000 hoos u dhaca
  • Dadka u baahanaya daryeel isbitaal oo 2,000 hoos uga dhacaya
  • Dhimashada ka dhalata hargabka oo 700 hoos uga dhaceysa

Tallaalka ayaa la siin doonaa dadka ka weyn da`da 65 sano ee ku nool Wales iyo Waqooyiga Ireland iyo sidoo kale kuwa ka weyn 75 sano ee ku nool Scotland.

Horumarro cusub

Tallaalka la siiyo dadka ka weyn 65 sano ayaa ka difaaci doonta saddex heer oo hargabka ah, balse dadka ka yar 65 sano laguna tiriyo inay khatar sare ugu jiraan, ayaa waxaa la siin doonaa tallaal ka difaacaya afar nooc oo durayga ah.

Kooxaha khatarta ku jira ayaa waxaa ka mid ah haweenka uurka leh iyo kuwa muddada dheer qabay xaalado caafimaad.

Dhanka kale, barnamaijka tallaalka carruurta ayaa la ballaarin doonaa, sidaa darteed carruurta ay da`doodu u dhaxeyso labo snao jir ilaa shan sano jir ee iskuulka hoose ku jira ayaa la siin doonaa goojada hargabka ee sanka loo isticmaalo.

Guud ahaan, 24 milyan oo qof oo ku nool England ayaa tallaalka durayga la siin doonaa – in ka badan 3 milyan xilliga qabowga ee sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here