Lula oo Muraxshaxnimadii Madaxweynanimadi Brazil ka haray

0
692

Lula oo Muraxshaxnimadii Madaxweynanimadi Brazil ka haray

Xisbiga shaqaalaha ee Brazil ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee dalkaas Luiz Inacio Lula da Silva aanu u tartami doonin doorashooyinka dhacaya bisha October, waxaana lagu baddalay Fernando Haddad o doorashadaas u tartami doona.

Arrintaan ayaa imaanaysa kadib markii maxkamadda sare ee Brazil ay ka mamnuucday madaxweynihii hore in uu u tartamo doorashada dhacaysa sanad waayo waxa uu kujiraa jeel oo uu ku qaadanayaa xukun la xiriira musuqmaasuq. taagerayshisana ay amminsanyihiin in dhibaatada heysata ay tahay kuwa siyaasadeysan oo caddaalad darro ah. Dadka qaar ayaa aaminsan in Lula uu yahay siyaasiga ugu shacbiyadda badan marka ay doorasho timaado.

Hasayeshee in xilkan uu u tartamo ayaa ah hawl adag, sababtoo ah qofkii reer Brazil ah oo ay maxkamadi xukun ku riddo, racfaanna ku guul darraysta waa ay adagtahay inuu u tartamo xilka madaxweynenimada.

Maxkammada ku taala dalkaasi ayaa bishan horanteedi madaxweyne Lula kahor istaagtay inuu ku tartami karin xisbiga shaqaalaha ee Brazil, waxana xisbigii uu katirsana ala siiyay muddo toban maalmood ah inay kusoo magacabaan qofka ku mateli doona doorashada xigta.

Saraakiisha sarsare ee xisbiga ayaa Mr Fernando oo ah duqii hore ee magaalada Sau Paulo usoo xushay inuu xisbiga ku matelo doorashada, waxaase aadu yar wakhtiga ka haray doorashada.

Qaar kamid ah taageerayaahsa xisbiga ayaa isu soo bax ballaaran oo ay ku qabteen dalkaasi ku dalbanayay in lasii daayo Lula Da Silva.

Inkastoo Lula uusan ka qeyb galeynin doorashada ayaa hadana waxaan la dafiri Karin tagaeerada xisbigiisa uu ku leeyahay gudaha dalkaasi. Lula ayaa hadda ku jira xabsi ku yaala dalkaais, isagoo na lagu xukumay xabsi dhan 12 sano. Mr Lula oo loo heystaa inuu lacago lalauush ah ka qatay shirkad ka howgasha dalkaasi ayaa beeniyay eedeymahaasi, isagoo na sheegay In xukunka lagu riday uu yahay mid lagaga hor istaagayo in markale uu dib ugu soo laabato awooda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here