Inta Aadan Guursan Ka Hor.. Ka Jawaab Su’aashan

0
1032

Inta Aadan Guursan Ka Hor.. Ka Jawaab Su’aashan

Guurku waxa uu ka mid yahay ahdaafta ugu muhiimsan nolosha, waxaa ku dhammeystirma diinta iyo dadnimada qofka, laakiin fahamkeenna khaladan ee aan ka haysanno ayaa keena in marar badan lagu fashilmo oo gabagabadiisu ay noqoto furriin.

Caalimka la yiraahdo John Gothman, Ph.D. Co-Founder of The Gottman Institute, waxa uu muddo dheer ka shaqeynayay la-talinta guurka, waxa uu qoray buug la yiraahdo The Seven Principles of Making Marriage Work (Todobo xeer ee guur kasta ka dhiga mid guuleysta), waxa uu leeyahay, inta aadan guursan ka hor naftaada weydiiya su’aal muhiim ah, hadafakiinna nolosha ma wadaagtaan?

Waxaa jira saddex nooc oo hadaf nololeed ah, hadaf shaqsi ahmid qoys iyo mid sare. Hadafkaaga shaqsiga ah waa inaad la wadaagto qofka ku hor fadhiya ee guurka aad ka dooneyso u sheegto halka aad dooneyso inaad gaarto iyo garabka aad uga baahan tahay, dhinaca kalena fursaddiisa siiso si uu hadafkiisa kuugu sheegto. Hadafka labaad ee kan qoyska, maaha un in laga fakaro in muuqaal wanaagsan dadka kale ay idinka arkaan iyo in caruurta tarbiyo wanaagsan lagu ababiyo, waxaa jira arrimo kale oo ay tahay in laga wadahadlo sida; booqashada qaraabada si isbuucle ah iyo arrimo kale oo ay tahay in si wadajir ah qoyska loogu qabto.

Hadafka saddexaad ee sare waa mid xiriir la leh dhanka bulshada, guurkeennu muxuu bulshada ku soo kordhin karaa?, waa in laga sii fakaro arrimmo badan sida; deriska dhibaateysan ee garabka u baahan habkii lagu garab istaagi lahaa, muhiimaddu waa in laga fakaro shay muhiimad u leh bulshada oo wax ku soo kordhin kara, si guurku u noqdo mid kheyraad.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here