Guddoomiyaha Wakiillada Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Xeer Ka Hor-Imanaya Diinta Islaamka Oo Madaxweynuhu Dhaqan-Galiyay

0
691

Guddoomiyaha Wakiillada Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Xeer Ka Hor-Imanaya Diinta Islaamka Oo Madaxweynuhu Dhaqan-Galiyay

Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xeerka kufsiga oo xildhibaannada golaha guurtidu sheegeen in uu ka hor-imanaya diinta islaamka.

Baashe Maxamed Faarax gudoomiyaha golaha wakiiladu isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi “Laba gole oo cusub oo hada bilaabmay maaha ee waxaa ay ku shaqeeyaan xeerar, anaga ayay noo yimaadan intaas kadib waxaa aanu ugudbinaa golaha guurtidda, guurtiduna soo jeedin ayay leedahay, marka ay soo jeedin ku soo sameeyaan waxaa uu ku soo noqonayaa golaha wakiiladda, golaha wakiiladduna cod ayay galiyaan waxaanay yidhaahan ma kii guurtidda ayaynu raacnaa mise kii wakiiladda, sidaasi ayaa lagu codeeyaa oo qodob qodob ayaa lagu codeeyaa, markaa marka loo codeeyo hadii goluhu isku raaco kii saxa uunbaa la qorayaa, qodobkii la yidhaaho guurtidda ayaa ku wanaagsana waa lagu raacayaa, qodobka 18-ka ee la leeyahay waxaa lagu badalay 15-ka ciqaab weeye, xeerkeena ciqaabtana waxaa ku qoran in laga khafiifin karo 18 wixii ka yar, anaguna maanan odhan 18-jir ayaa qaangaadha iy 15 ayaa qaangaadha, waxaa ay aheyd uun wixii 18 jir ka yar waa laga khafiifinayaa iyo ninka xaaska leh ee 50 jirka ah, waxaa loo codeeyayna maaha diin ee waxaa uu ahaa ciqaab”

Halkan hoose ka DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=TMNBXVqM8N8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here