Iiraan oo marti galinaysa shir saddex geesood ah oo looga hadlayo xaaladda Surriya

0
573

Iiraan oo marti galinaysa shir saddex geesood ah oo looga hadlayo xaaladda Surriya

Shir saddex geesood ah oo diiradda lagu saarayo dagaalka daba dheeraaday ee dalka Suuriya ayaa maanta galinka dambe ka dhacaya dalkaasi Iraan.

Wa kulankii saddaxaad oo ay madaxdani isugu yimaadaan islamarkaana looga hadlayo geedi socodka nabadda Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa la kulmaya dhigiisa dalka Iiraan Hassan Rouhani iyo hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin.

Ciidamada dowladda Suuriya oo ay dhanka hawada ka taageerayaan Ruushka ayaa isu diyaarinaya dagaal culus oo ay ku qaadaan gobolka Idlib oo ah gobolkii ugu dambeeyay ee ay xoogagga mucaaradka ka talioyaan.

Turkiga ayaa walaac xooggan ka mujinaya in dagaalka uu horseedo qaxooti cusub oo badan sabatoo ah gobolka idlib waxa soohdin la wadaagag dalka Turkiga, waxa uuna Turkiga ka cabsi qabaa in ay saameyn ku yeeshaan waddanikiisa qaxootigaasi.

Dhanka kale maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in hayaan cadeeymo ah in dowladda Suuriya ay isu diyaarinayso in hubka kiimikada ay u isticmaasho dagaalka doonayso in ay ku qaaddo gobolka Idlib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here