Markabkii ugu horeeyay ee ay leedahay dowlada Itoobiya oo ku xirtey dekeda Musawac ee dalka Eritrea

0
730

Markabkii ugu horeeyay ee ay leedahay dowlada Itoobiya oo ku xirtey dekeda Musawac ee dalka Eritrea

Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay Itoobiya ayaa ku xirtay dekadda Musawac ee dalka Eritrea kadib 20 sano.

Markabkan oo ka soo shiraacday Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa qeyb ka ah heshiis ay dhowaan gaareen dowlada Itoobiya iyo dowlada Eritrea waxaana lagu wadaa in shir saddex geesood ah ay ku yeeshaan magaalada Asmara hogaamiyaasha saddexda dal ee Itoobiya,Eritrea iyo Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wadahadal la leh madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay bishii Luulyo kala sixiixdeen in la soo afjaro colaadii dhex taalay labada dal.

Booqashadan ayaa loo arkaa in ay muhiim u tahay dadaalka ay Itoobiya oon bad lahayn ku doonayso in ay ku adeegsato dakadaha Eritrea markii u horraysay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii xadka u dhaxeeyay ee labada dal dhex maray intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, kaas oo galaaftay tobannaan kun oo ruux.

Hase yeeshee dalka Jabuuti ayay u tahay dib u dhac isticmaalka ay dowlada Itoobiya bilowday inay adeegsato dekeda Musawac ee wadanka Eritrea oo weliba khilaaf uu kala dhexeeyo.

Dhaqaale badan ayaa dowlada Jabuuti ka soo geli jirey shixnadaha ay dowlada Itoobiya ka soo degsan jirtey amaba ka dhoofsan jirtey dekeda dalka Jabuuti.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Jabuuti ee ku saabsan heshiiska ay wadaan saddexda dal ee Itoobiya,Eritrea iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here