Dawladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis Wada Jir ah kala sixiixday

0
643

Dawladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis Wada Jir ah kala sixiixday

Dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis ku kala sixiixday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

“Heshiiskan ayaa ayaa dhigaya in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar,” sida ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Intii ay kulanka lahaayeen masuuliyiintaasi waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli laha khilaafka soo kala dhex galay Eritrea iyo Jabuuti.

Waxayn ku heshiiyeen “in la billaabo wada xaajoodyo lagu dhammeynayo arrimahaas si loo xaqiijinayo danaha isku tolan ee dalalka Geeska Afrika kuwaas oo horseedaya nabadda iyo horumarka gobolka,” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ka wada hadleen madmadaw soo kala dhex galay oo billawday intii uu hagaagay calaaqaadka Eritrea iyo Soomaaliya.

Masliiyintan ayaa shir labo saddex geesood ah yeelanaya labo maalmood oo Khamiistan ka billabnaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here