Shirka maamul goboleedyada oo ka furmay Kismaayo iyo Micheal Keating goobjoog ka ah

0
693

Shirka maamul goboleedyada oo ka furmay Kismaayo iyo Micheal Keating goobjoog ka ah

Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka furmay shirka madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha maamulada.

Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubbaland ayaa ka sheegay xarunta shirka in madasha ay ku mideysan yihiin in loo sameeyay danaha maamulada dalka iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo shirka furay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka shaqeyn danaha dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in madaxda dalka ay ku mashquulsan yihiin sidii ay iyaga kusoo laaban lahaayeen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkaasi uu yahay mid diirada lagu saarayo madaxda maamul goboleedyada tabashooyinka ay qabaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa goobjoog ka ah shirka maanta ka furmay magaalada Kismaayo, waana markii ugu horeysay oo qof ka baxsan madaxda maamul goboleedyada uu shirkaasi ka qeyb galo.

C/Welli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Puntland ayaa ka sheegay magaalada Kismaayo ka furmay inay kaga tashanayaan arrimaha dhaqaalaha, amaanka iyo horumarinta deegaanada Maamulada dalka.

Wuxuu cadeeyay in shirka uu kusoo beegmay waqti xasaasi ah marka loo eego amaanka dalka iyo siyaasadda dalka, wuxuuna ku baaqay in loo baahan yahay in laga warhayo xaaladaha dalka.

Ujeedada ugu muhiimsan ee ay diirada ku saarayaan shirkaan ayuu sheegay inay yihiin labo arin oo ay ugu horeyso danaha qaaska ah ee dowlad goboleedyada iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale u sheegay C/Welli Gaas in shirka ay ku lafo guri doonaan waxyaabaha ka qabsoomay heshiisyadii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here