NAXDIN : Meydka Nin Ay Dishay Koronto Oo Lagu Arkay Duleedka Muqdisho

0
705

NAXDIN : Meydka Nin Ay Dishay Koronto Oo Lagu Arkay Duleedka Muqdisho

 

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Midnimo oo ka tirsan deegaanka Siinka dheer ee Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in saakay halkaasi lagu arkay Meydka Nin xalay Koronto ku dishay deegaanka Siinka dheer.

Ninka Koronta ay dishay ayaa waxa uu xalay saqdii dhexe koray Baallo ku yaalla Xaafadda Midnimo,isla markaana saakay la arkay isaga Meyd oo Korontadii ay dishay.

Dadka deegaanka Xaafadda Midnimo ee deegaanka Siinka dheer ee Duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen  in saakay ay arkeen Ninkan oo xalay saqdii dhexe koray baalo,isagoo oo damacsanaa inuu fiiloyinka furto,balse la sheegay in ay dishay korantadii.

Dhacdooyinka la xiriira dad ay dhorontada ayaa mar walba waxa ay ka dhacaan Muqdisho iyo Gobolada qaar,waxaana dhowr bil ka hor iil Dhalinyaro ah ay koronto ki dishay Xaafad ka tirsan degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here