Dib u dhac ku yimid Shirka Madaxda Maamul goboleedyada ee Kismaayo

0
642

Dib u dhac ku yimid Shirka Madaxda Maamul goboleedyada ee Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii madaxda maamul goboleedyada oo lagu waday inuu dib u dhac kuyimid shirkii lagu waday inuu maanta ugaga furmo madaxda maamul goboleedyada magaalada Kismaayo.

Dib u dhaca shirka ayaa yimid kadib markii uu maanta gaaray magaalada Kismaayo ergeyga gaarka ee qaamada Midoobay Keating uuna kulan la yeeshay madaxda maamul goboleedyada oo dhammaantood ku sugan magaalada Kismaayo.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in danjire Keating uu ka codsaday madaxda maamul goboleedyada inay dib u dhigaan shirka isla markaana laga wadahadlo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira maamul goboleedyada dalka iyo dowlada federalka ah.

Si rasmi ah looma oga xilliga uu bilaabanayo shirka balse warar ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay aqbaleen in illaa beri shirka dib loo dhigo.

Shirkan madaxda maamul goboledyada ay ku yeelanayaan magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmay xilli uu dalka safar dibada ugaga maqan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here