Xogta Amiirka Dawlada Qadar Oo La Sheegay In La Jabsaday Iyo Dalalka Imaaraadka Iyo Sucuudiga Oo Gacansaar La Leh Dawlada Yuhuuda Oo Lagu Eedeeyay In Ay Ka Dambeeyeen

0
602

Xogta Amiirka Dawlada Qadar Oo La Sheegay In La Jabsaday Iyo Dalalka Imaaraadka Iyo Sucuudiga Oo Gacansaar La Leh Dawlada Yuhuuda Oo Lagu Eedeeyay In Ay Ka Dambeeyeen

Waxaa maalintii shalay soo baxday xog sheegaysa in la dhagaystay xogta madaxda dalka Qatar gaar ahaan Amiir Tamim Bin Xamad Al Thani,xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in cilaaqaad weyni ka dhexeeyo waddamada Carabta gaar ahaan kuwa sunniga ah iyo Dawladda Yuhuuda oo ay isu adeegsadaan.

Maxkamad ku taalla dalka Maraykanka ayaa waxa laga dhageysanayaa dacwad ay gudbiyeen muwaaddiniin reer Qatar ah iyo Suxufi reer Mexico ah kaasi oo ka hawl gali jiray dalka Qatar. Muwaaddiniinta reer Qatar iyo saxafiga Miksikaanka ah ayaa soo bandhigay caddaymo muujinaya in shirkad laga leeyahay Israel oo dhinaca internetka ah loo adeegsaday laguna dhagaystay Taleefannada masuuliyiinta reer Qatar iyo Saxafiga reer Mexico.

Shirkaddan laga leeyahay Israel oo la yidhaa SNO group ayaa waxa ay heshiis malaayiin dollar ku kacay la saxeexatay dawladda Imaaraatka taasi oo ay uga caawisay in Imaaraatku dhageysto xogaha iyo Taleefanada hoggaamiyaha Qatar Amir Tamiim Bin Xaamid Althani.

Shirkaddan ayaa waxa la sheegay in loo diray dhammaan adeegyada is gaadhsiineed ee uu isticmaalo amiirka dalka Qatar, waxaana markii koowaad lagu tijaabiyay wadahadal khadka Taleefanka ku dhex maray Amiirka Qatar iyo mid kamida masuuliyiinta Sucuudiga oo ay xidhiidh lahaayeen Amiirka; iyo weliba wada hadal dhexmaray Raysalwasaaraha Lubnaan Sacad Alxariiri iyo Amiirka Qatar, kuwaasi oo si toosa loo dhagaystay.

Barnaamijkan ayaa u eeg sida anti Virus ka balse marka aad soo dajisato waxa uu duubayaa dhammaan dhaq dhaqaaqyadaada aad ka samayso Taleefankaaga waxaana uu duubayaa dhammaan codadka iyo dhaq dhaqaaqyada kale iyada oo meel fog lagala socon karo.

Xidhiidhka u dhaxeeya waddamada Carabta iyo Israel ayaa sannadihii u dambeeyay xoogaystay waxaana sirdoonka Yuhuudda ee MOSSAD ay si weyn uga hawl galaan gudaha waddamada Imaaraatka iyo Sucuudiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here